![]() |
1.CABITAANADA DABIICIGA AH EE KAA CAAWINAYA MIISAN DHIMISTA:
Miisanka oo yaraada waa himilo badan oo ay leeyihiin dad badan. dad badan oo dunida ku nool ayaa raba inay miisanka dhimaan si ay uhelaan cafimaad wanaagsan. Inta badan dadku waxay xooga saaran cunto joojinta iyo jimicsiga lakiin waxaa door muhiima ka qaata cabitaanada qofku cabayo.cabitaanadu qaarkood waxay kaa cawinkaraan inaad si tartiib ah miisanka u dhinto adoon daal iyo gaajo midna dareemin.
cabitaanada miisanka dhima waa kuwo ah miyad gaar ah uleh bulshada. Madareemaysaa in miisankaagu batay? mise waxaad rabtaa in miisankaaga si dabiici ah udhinto.Waxaa jirta xal si fudud lagu heli karo jikadaada cabitaanada daciiga ah ee gubaya dufanka hagaajiya dheefshiidka ka nadiifiya jirka sunta.
maqaalkan waxaynu si qoto dheer uga hadlaynaa cabitaanada dabiiciga ah ee la hubo inay gacan kagaystaan misaan dhimista, hadii si joogto ah loo isticmaalo loona weheliyo cunto caafimaad leh iyo dhaqdhaqaaq jir ahaaneed.
qayb kamid ah cabitaanada kaa caawinaya miisan dhimista:
Cabitaanada miisanka lagu dhimo waxaa kamid ah; Biyo kulul oo leh liin&malab,shaaha cagaaran,shaaha gingerka,biyaha xawaashka.
2. FAA"IIDOOYINKA LAGA HELO CABITAANADAAS;
Cabitaanadan waxay leeyihiin faa"iidooyin aad ubadan laakiin halkaan waxaynu ku soo qadanaynaa qayb ka mid ah. Dedejinta gubashada dufanka, Xakamaynta rabitaanka cuntada, nadiifinta jirka, hagaajinta dheefshiidka,yareynta bararka,kor uqaadida tamarta jirka,waxay kaa cawinayaan inaad hesho hurdo fiican,kobcinta caafimaadka guud.
3. TALOOYIN KU SAABSAN CABITAANADAN;
joogtaynta waa furaha guusha cabitaanada dabiiciga ah waxay faa"idoyinlaga helaa marka si jogta ah loo isticmaalo, isku dar cunto caafimaad leh&dhaqdhaqaaq,kafogoow sonkorta warshadaysan,ha badin inta wakhti lacabo ka dhig caado degan, lasoco is badalka miisankaaga,lakaasho dhakhtar hadii aad qabto cuduro gaar ah.
4. GUNAANAD;
Cabitaanada miisanka dhima waa bilow wanaagsan oo lagu kobcinayo cafimaadka guud. Balse natiijooyinka joogtada ah waxay ubaahanyihiin dulqaad isku dheelitirnaan iyo ku celcelin. Haniyad jabin hadii aad aragto is badal yar cafimaadka wanaagsan waa safar.Cabitaanada dabiiciga ah ee miisan dhimista loo isticmaalo ma aha kaliya kuwo dhadhan fiican leh waa xalka caafimaad ee guriga lagu diyaarinkaro ugu danbayn waxaan leeyahay
(NIN CAAFIMAAD QABA WAA BOQOR AAN TAAJ LAHAYN)
0 Comments