Ticker

6/recent/ticker-posts

CABITAANADA DABIICIGA AH






1.CABITAANADA DABIICIGA AH:

Cabitaanada dabiiciga ah waa kuwo laga sameeyo miro, caleemo, xidiido. cabitaanada dabiiciga ah waa hab dabiici ah oo lagu ilaalinayo cafimaadka jirka, maskaxda waxay kacaawin karaan inaad bilowdo nolol caafimaad leh adigoon adeegsan daawooyin badan. cabitaanada dabiiciga ah waxaa looyaqaana in ay yihiin ilo muhiim ah oo nafaqo iyo daawo isku gu jira. cabitaanada dabiciga ah waa kuwo leh firfircooni cabitaanada dabiiciga ah waa kuwo laga sameeyo waxyaabo nadiif ah lagana helikaro deegaanka. cabitaanada dabiiciga ah malaha waxyaabo lagu farsameeyay warshado sida sonkor badan kiimiko lagu daray. arintaasi waxay kadhigaysaa inay yihiin kuwo aad ugu wanaagsan cafimaadka jirka iyo maskaxda.

2.FAA"IIDOOYINKA LAGA HELO CABITAANADA DABIICIGA AH:

Cabitaanada dabiiciga ah waa kuwo leh faa"iidooyin aad ubadan oo aan qoraal lagu soo kobikarin faa"idooyinka waxaa kamid ah waxay hagaajiyaan dheefshiidka jirka, waxay nadiifiyaan jirka,miisanka oo si dabiici ah udhaca,Maqaarka oo dhalaala, cabitaanada dabiiciga ab waxay kahortagaan kansarka waxay kordhiyaan tamarta jirka caafimaadka wadnaha iyo dhiiga korinta ilkaha iyo timaha kahortaga caabuqa iyo bararka. 

3. TALOOYIN MUHIIM AH OO LOOBAHANYAHAY INAAD OGAATO:

isku day inaad maalinkasta cabto hal nooc  oo cabitaan dabiici ah si aad uhesho dhamaan faa"idooyinkan. Isticmaal miro cusub kafagoow sonkorta badan,cabitaanada qaar sida kuwa detox waa in lagu cabaa calool maddhan,ku kaydi qaboojiye hadii aad diyaarisay waxkabadan hal koob laaakin waa inaad isticmaasha 24 saac kudohood. 

4.GUNAANAD:

Cabitaanada dabiiciga ah ma aha kaliya biyo lacabo;waa qayb muhiima oo kamid ah nolosha caafimaadka leh waxaa laxaqiijiyey in cabitaanada laga sameeyo miraha geedaha iyo dhirta aan lawarshadayn uu yahay mid jirka nadiifiya, kor uqaada difaaca, hagaajiya dheefshiidka dajiya neerfaha. waxa kale uu wax katarayaa latacaalida cudurada deg dega ah iyo kuwo muda dheer ahba iyagoo kacawinaya inaad kafogaato isticmaalka daawo badan iyo kiimikaal waxyeelo leh. intabadan waxyaabaha aynu ubaahanahay way inala joogaan.Waxaa muhiim ah inaad bilowdo inaad cabto maalinkasta hal koob oo cabitaan dabiici ah hanoqoto liin,babay,caano geel,casiir tufaaxa.mahmaahdii soomaliyeed ee oranaysay (NINKII CAAFIMAAD QABA ADUUNYADA OO DHAN AYUU HAYSTAA).

Post a Comment

0 Comments

https://www.profitableratecpm.com/isxy8unp?key=59c51ef4790af31210ea0e2d7a378d92